Kulankan oo looga hadlayay adkaynta amniga, ayaa ujeeddadiisu ahayd in bangiyadu ka qayb qaataan hirgelinta nidaamka dhijitaalka ah ee lagu xoojinayo amniga caasimadda, gaar ahaan in kamaradaha amniga gudaha iyo bannaanka xarumaha bangiyada lagu xidho Maamulka bangiyada ayaa sheegay inay doorkooda ka soo baxayaan , isla markaana ay kaalin muuqaata ka qaadanayaan horumarinta nidaamka amniga iyagoo sii xoojinayo isticmaalka kamaradaha amniga iyo xoojinta ilaalada gudaha bangiyada.