Saraakiisha oo dhiigooda ugu deeqay in lagu badbaadiyo hooyooyinka ay dhiig-yaraantu soo foodsaarto, iyo guud ahaan dadka u baahda dhiiga degdeg ah.Taliyaha Booliska Gobolka Erer, G/sare Xasan Cali Muuse, ayaa sheegay in boolisku ay sii wadi doonaan ka-qaybgalka hawlahan tabarucaadka ah, maadaama ay yihiin kuwo bulshadu si weyn ugu baahan tahay. Wuxuu xusay in Boolisku ay u taagan yihiin garab istaagga shacabka xilliyada ay ugu baahi badan yihiin.Dhankiisa, Mudane Faysal Axmed, Maareeyaha Kaydka Dhiigga ee Gobolka Erer, ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Booliska dhiigga ay bixiyeen, isagoo tilmaamay in ay mudan yihiin in lagu daydo. Wuxuu xusay in ol’olahan dhiig-bixintu uu qeyb ka yahay dadaallada iskaa wax u qabso ee bulshada loogu adeegayo.